Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay fuliyeen, weeraro kala duwan oo ka dhan ah askarta Shisheeye gaar ahaan kuwa Kenya iyo ciidamada dowladda fedaraalka.
Weeraradaan oo ka kala dhacay goballada Baay, Madnheera iyo Lamu oo kamid ah dhulalka Muslimiinta ee ku hoos jira dowladda Kenya ayaa lagu dilay, ku dhawaad 10 askari oo ka kala tirsan ciidamada aan kor kusoo xusnay.
Haddaan ku horreyno gobalka Baay, ciidamo katirsan xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay howlgal qorsheysan waxa ay ku qaadeen, isbaaro ay askar katirsan dowladda fedaraalka dhigteen degmada Buurhakaba ee gudaha degmadaas.
Ugu yaraan 3 askari ayaa lagu dilay howlgalkaan, halka lagu soo furtay 2 qori.
Sidoo kale xalay waxay ciidamada xarakada mujaahidiinta Al-Sbabaab weeraro ku qaadeen fariisimo ay askarta dowladda fedaraalka ku leeyihiin xaafadaha Mukayga iyo Haanta dheer ee degmada Afgooye oo kawada tirsan gobalka Sh-hoose.
Sidoo kale weerar culus ayay ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab gaar ahaan kuwa ka howlgala gobalka Lamu ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Kenya waxa ay ku qaadeen, saldhig ay askarta dowladda Kenya ku leeyihiin deegaanka Ishaakaani ee gobalka Lamu.
Waxaa weerarkaan lagu dilay ugu yaraan 5 askari oo Kenyan ah, halka lagu dhaawacay 4 kale.
Sidoo kale 1 askari oo katirsan dowladda Kenya ayaa lagu dilay, weerar ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, xero ay askarta Kenya ku leeyihiin degaanka Dhamase oo hoostaga degmada Lafey oo kamid ah gobalka Mandheera ee dhulka NFD.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala goballada ku hoos jira gumeysiga dowladda Kenya ee ay Muslimiintu leeyihiin ayaa waxa ay mudooyinkii lasoo dhaafay dardar galiyeen, weerarada ay ka geysanayaan halkaaas, kuwaas oo ay ku beegsanayaan askarta xukuumadda Nairobi iyo dadka Kirishtanka ah ee lagu beeray dhulalka Muslimiinta.