Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar culus oo ka dhacay gobolka Mandera ee katirsan dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Kenya.
Weerarka ayaa si gaar ah kaga dhacay deegaan lagu magacaabo Waraha Hareer Jiire oo hoostagta degmada Baanasa ee gobalka Mandheera, waxaana lagu beegsaday askar Kenyaati ah oo socdaal ku jiray.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay sheegatay in weerarkaas ku dishey 9 askari oo Kenyaati ah, halka ay ku dhaawacday 20 kale, dowladda Kenya ayaa dhankeeda nolol iyo geeri ku la’ ugu yaraan 5 askari.
Warbixin uu maanta daabacay wargeyska The Standard ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 4 sarkaal oo katirsan ciidamada booliiska Kenya agu dilay weerarka, iyo dhaawaca 6 kale, halka la la’yahay goob ay jaan iyo cirib dhigeen 5 sarkaal kale, waxaana la muujinayaa suurtogalnimada in maxaabiis ahaan gacanta loogu dhigay.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ka dagaallama dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga Kenya iyo sidoo kale dhulka xeebta ee ay leeyihiin muslimiinta, waxaana horey uga fuliyeen silsilado weeraro ah oo dhiig badan kaga daatay dowladda Kenya.