HomeAll newsMaamulka Aala-Sucuud oo Ciidamo Horleh Soo Geliyay Wadanka Yemen.

Maamulka Aala-Sucuud oo Ciidamo Horleh Soo Geliyay Wadanka Yemen.

Ilo wareedyo ku sugan koonfurta wadanka Yemen ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Aala-Sucuud, uu ciidamo badan soo geliyay dalka Yemen, kuwaasoo qeyb ka ah gumeysiga uu maamulkan ku heysto qeybo kamid ah Yemen.

Kolonyo ciidan oo ka kooban illaa 100 gaari, ayaa kasoo gudbay marinka Al-Wadiica ee kala qeybiya Yemen iyo Sucuudiga, waxaana ay ugu dambeyn soo gaareen magaalada Cadan ee koonfurta Yemen.

Sida muuqata ciidamadan ayaa qeyb ka ah howlgalka maamulka Aala-Sucuud iyo Imaaraatka Carabtu ka wadaan wadanka Yemen, kaaso ay ku sheegeen horaan iney kula dagaallamayaan Xuuthiyiinta, laakiin reer Yemen ay tilmaameen inuu yahay dagaal iyaga lagula jiro.

Ilo wareedyada qaar ayaa tilmaamaya in ciidamadan cusub ee ka yimid dhanka Sucuudiga ay yihiin malleeshiyaad Yamaniyiin ah, oo waayadii u dambeysay tababar lagu siinayay gudaha Sucuudiga, lana doonayo iney Yemen ka fuliyaan ajandayaasha maamulka Aala-Sucuud.

Marka laga yimaado hadafka ay sheegayaan Sucuudiga iyo Imaaraatka iney u joogaan Yemen oo ah la dagaallanka Xuuthiyiinta, waxaa dhexdooda ka dhexeeyey xurguf siyaasadeed, iyadoo mid weliba uu leeyahay dano u gaar ah.

Waxay labada dowladoodba dalka ka qorteen kumanaan malleeshiyaad ah, kuwaasoo loo carbiyey dhibaateynta dadka muslimiinta, malleeshiyaadka hoostaga Imaaraatka Carabta ayaana dhibaatadoodu noqotay mid xargaha goosatay.

Dhibaateynta shacabka muslimka ah marka laga yimaado, Imaaraatka Carabta iyo Maamulka Aala-Sucuud, waxay dagaal kula jiraan mujaahidiinta Ansaaru Shareeca ee ka howlgala wadanka Yemen, waxayna la dagaallamayaan in hannaanka ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee ay Jamaacadani wado inuu ka hirgalo koonfurta iyo wuqooyiga Yemen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular