HomeAll newsMaamulka Aala-Sucuud Oo Dil Toogasho ah Ku Fuliyay Nin Kasoo Jeeda Urdun.

Maamulka Aala-Sucuud Oo Dil Toogasho ah Ku Fuliyay Nin Kasoo Jeeda Urdun.

Wakaaladda wararka ee maamulka Aala-Sucuud ayaa baahisay in xukun dil toogasho ah lagu fuliyay nin kasoo jeeda dalka Urdun, kaasoo sida la sheegay soo geliyay wadankaas kaniiniyaal daroogo ah.

Ninka dilka lagu fuliyay ayaa lagu magacaabaa Racad Maxmuud, wuxuuna heystaa dhalshada dalka Urdun, isagoo lagu heley in kaniiiniga daroogada ah ee M VITAMIN uu soo geliyay gudaha dhulka uu ka taliyo maamulka Aala-Sucuud.

Mandiqadda Al-Jowf oo kamid ah dhulka maamulka Aala-Sucuud ka taliyo ayaa lagu dilay ninkan maalintii shalay, waxaana xukunkan uu qeyb ka yahay silsilado xukunno ah oo uu maamulka Aala-Sucuud ku dilo dad eedeysanayaal ah oo intooda badan kasoo jeeda dalal kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular