Weli waxaa gacan lagu heynin hubkii ay dad shacab ah iyo malleeshiyaad qaab qabiil u abaabulan ku furteen deegaan hoostaga magaalada Caabduwaaq ee gobolka Galgaduud.
Isku dayo lagu doonayay in hubkaas lagu soo celiyo oo ay waday Dowladda Federaalka ayaa gebi ahaanba guuldareystay, waxaana maamulka Galmudug uu quus ka muujiyay in hubkaasi dib loo helo.
Wasiir kuxigeenka wasaaradda Amniga maamulka Galmudug Cali Baashi Cabdullaahi, ayaa tilmaamay iney hadda wadaan sidii hubkaasi aanu uga gudbi lahayn Caabduwaaq, oo ay gacanta ugu heyn lahaayeen odayaasha deegaanka, sida uu tilmaamay.
Dhagayso Rajo beelka maamulka Galmudug ka muujinayo helitaanka hubkii Caabduwaaq.