Kumanaan katirsan ciidamada maamulka Soomaaliland ayaa loo diray dalka Itoobiya, halkaas oo ay kusoo qaadan doonaan tababaro ciidan oo ay siinayaan saraakiil Itoobiyaan ah.
Basas ay saaranyihiin kumanaan askari ayaa ka tagay deegaannada uu ka arimiyo maamulka Soomaaliland, kuwaasoo u tallaabay dhanka dhulka Soomaali galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Xabashida.
Taliyaha ciidamada maamulka Soomaaliland Nuux Ismaaciil ayaa sheegay in ciidamadan ay soo qaadan doonaan tababar ciidan, kadibna ay kusoo noqon doonaan dhulka uu ka taliyo maamulka.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli Itoobiya iyo maamulka Soomaaliland ay horey u galeen heshiis Itoobiya lagu siiyay badda Soomaaliya, waxaana Itoobiya horey u sheegtay in awood ay ku qaadaneyso badda, haddii la isku dayo in laga hor yimaado.
Maamullada ka jira Soomaaliya ee ku daaban Shisheeyaha, uguna horeyso Dowladda Federaalka ayaa mid weliba ku tiirsan dowlad shisheeye, kuwaasoo bixiya tababarada iyo taakulada.
Itoobiya ayaa u muuqaneysa iney dooneyso iney tababarato kumanaan askari oo Soomaali ah, oo u fulin kara damaceeda la xiriira qabshada badda Soomaaliya, waxaana dhinac kale ay u muuqataa mid ay ku qacineyso maamulka Soomaaliland oo dareemaya halisyo amni oo soo wajahay jiritaankiisa.