Goordhaw diyaaradaha dagaalka ee maamulka gumeysiga Yahuudda ayaa waxa ay duqeymo ba’an ka geysteen, dekadda magaalada Al-Xudeydah ee ku taalla dalka Yeman.
Duqeymaha ayaa si gaar ah ubeegsaday qeybta keydka Shidaalka ee dekadda, taas oo sababtay in dab xooggan uu ka kaco halkaas, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Muuqaal laga soo duubay dekadda magaalada Al-Xudeydah ayaa muujinaya, dab xooggan oo baaxad leh kaas oo qabsaday qeybo badan oo kamid ah dekadda, si gaar ah keydka Shidaalka.
Mowqica Axios ee laga leeyahay Mareykanka oo soo xiganaya masuul katirsan maamulka Yahuudda ayaa sheegay, in duqeynta uu fuliyay kayaanka Suhyuuniga ah ay sidoo kale la kaashadeen dowladda Mareykanka iyo isbaheysiga caalamiga ah si ay uga hortagaan weerarada Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta.
Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaan maadaama uu weerarku cusub yahay, waxaana lasoo warinayaa inuu jiro khasaare baaxad leh oo naf iyo maalmba leh.