Waa laga yaabaa in aad aaminsan tahay in marka aad dhameyso marxaladda waxbarashada iskuulka inaad ka nasan doonto qorista mawaadiic qurxoon, taasi wey dhici kartaa, balse waxaad gudaha ugaleysaa caalam ka ballaaran wax qorista, oo waxaa ku hor yaalla qorista Maqaalaadka, Warbixinnada, kuwa shirarka iyo wixii lamid ah ku saabsan nuucyada kala duwan ee qoraallada.
Balse marka hore waxaa muhiim ah inaan ogaanno waa maxay Taqriir? Imise nuuc ayuu ukala baxaa? Maxayse yihiin tallaabooyinka la qaadayo marki wax la qorayo? Warbixinteenna maanta ayaan kusoo gudbin doonnaa isnha’allaah.
Taqriirku asal ahaan waa dekumenti gaaban oo toosan, oo had iyo jeer loo qoro ujeedo gaar ah ama mid xadidan, waxa uuna inta badan taqriirku diiradda saaraa falanqeynta xaalad ama muskilad gaar ah, laguna soo gudbiyo dardaaranno si loo qaado go’aanno heer mustaqbal ah, waxaana loo yaqaannaa warqadda xaqiiqada, sidaasi darteed waa in ay noqotaa mid cad oo nidaamsan.
Halkan ka dhagayso Warbixin- Sidee Loo Qoraa Taqiriir Wanaagsan