HomeAll newsMasuul Katirsan Maamulka Soomaaliland Oo Ka Horyimid Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyay.

Masuul Katirsan Maamulka Soomaaliland Oo Ka Horyimid Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyay.

Mukhtaar Cabdi oo ah xoghayaha guddiga diiwaan galinta ururuada iyo ansixinta axsaabta maamulka la baxay Somaliland ayaa war uu soo saaray waxa uu kaga soo horjeestay xil ka qaadis uu ku sameeyay madaxweynaha maamulkaas Muuse Biixi.

Waxa uu sheegay iney soo gaartay wareegto kasoo baxday Muuse oo xilka looga qaadayo, balse uusan isagu aqbalin xil qaadistaan, isagoona soo gudbiyay waxyaabaha uu sheegay in xubnaha guddiga xilka looga qaadi karo.

Dhammaan hab raacyada udegsan maamulka ee xil ka qaadista ayuu sheegay inuusan madaxweynaha maamulka la baxay Somaliland, sidaas awgeedna uusan xilka wareejineyn.

Waxa uu ugu baaqay Muuse Biixi inuu ilaaliyo waxa uu ugu yeeray madax bannaanida xubnaha guddiga uu xogyaha ka yahay, islamarkaana uu soo maro waxa uu ku tilmaamay sifooyinka sharciga ah ee xilka looga qaadi kari xubanaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular