Cabdi Kariim Cali Baarjeex oo ah xoghayaha duulsita ee xisbiga Wadani, ayaa wuxuu sheegay in Madaxweynaaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi uu ku khaldamay diyaaradaha uu sheegay in maamulkiisu soo iibiyay.
Wuxu tilmaamay in diyaaradaha uu ku faanay Muuse Biixi uu soo iibsaday ganacsade kasoo jeeda gobollada wuqooyi galbeed Soomaaliya, laakiin maamulka Muuse Biixi uu u xoog sheegtay.
Maamulka Soomaaliland ayaa inta badan awood ku maquuniyo ganacsatada, waxaana jirta in mashaariic ay dalka keeneen ganacsato Soomaaliyeed si xoog ah loogala wareegay.