HomeAll newsMasuul Sare oo Katirsan Dowladda Federaalka oo Lagu Weeraray Muqdisho.

Masuul Sare oo Katirsan Dowladda Federaalka oo Lagu Weeraray Muqdisho.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka dhacay weerar qarax ah, kaasoo lagu beegsaday masuul katirsan Dowladda Federaalka.

Qarax ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu beegsaday gaari uu watay Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise, oo ah hogaanka qeybta Canshuuraha ee ciidanka Booliiska Dowladda Federaalka.

Qaraxa waxaa ku dhintay darawalka kaxeynayay gaariga Bariise, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 2 askari oo ilaaladiisa kamid ah.

Dhinac kale, Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal culus ku qaaday, saldhigyada ciidamada Dowladda Federaalka ee Buulobarde iyo Bariire, oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Shabeleellaha Hoose.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular