Waraysi uu bixiyay Maxamed Faatax, oo horey uga soo shaqeeyay wasaaradda dagaalka ee Maraykanka iyo Aqalka cad xilligii ay madaxweynayaal ka ahaayeen Bush iyo Obama ayaa wuxuu kaga hadlay arimo kala duwan oo la xiriira Soomaaliya.
Wuxuu dagaalka ay Dowladda Federaalka la gashey Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ku tilmaamay mid aan loo diyaar garoobin oo fashilmay, isagoo intaa ku daray in xukuumadda Xasan Sheekh lagu tilmaami karin iney tahay dowlad.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab aaney ahayn oo keliya urur, balse ay u shaqeyso hannaan iyo qaab dowladeed.
Halkan ka dhagayso Warbixin ku saabsan nuxurka hadalka Maxamed Faatax.