Maalintii shalay oo Talaado ahayd waxaa booqasho lama filaan ah dalka Suudaan ku tagay ra’iisul wasaaraha Itoobiya ninka lagu magacaabo Abey Axmed, halkaas oo uu kula kulmay madaxa golaha milliteriga Suudaan Cabdil Fataax Al-Burhaan.
Abey Axmed wuxuu ka degay magaalada Boorta- Suudaan, taasoo ah xarunta kumeel gaarka ah ee uu ku shaqeeyo maamulka milliteriga Suudaan, maadamaa magaalada caasimadda ah ee Al-Khardhuum ay tahay magaalo isku bedeshey goob dagaal oo ay ku loolamayaan millteriga iyo kooxda RSF.
Malafka la xiriira loolanka ka socda Suudaan ayaa dabcan ah waxa ugu weyn ee ay ka wada hadleen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abey Axmed iyo madaxa golaha milliteriga Cabdil Fataax Al-Burhaan, maadaama labada dhinac ay mideyneyso masaalix la xiriirta arimaha amniga, juqraafiyadda, siyaasadda iyo arimo kale.