HomeAll newsSahdaasha la Xiriirta Doorashada Madaxtnimada ee Maraykanka.

Sahdaasha la Xiriirta Doorashada Madaxtnimada ee Maraykanka.[FALANQEYN]

Sidaan la soconno 27-kii June oo ah bishii aynu soo dhaafnay, waxaa dood kulul isaga horyimid Joe Biden oo ah madaxweynaha dalka Maryakanka, ahna musharax u taagnaa in markale ku guuleysto kursiga Aqalka cad, kana socda xisbiga dimuqraadiga, iyo ninka lagu magacaabo Donald Trump oo horey usoo noqday madaxweynaha Maraykanka, hadana ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada.

Doodu waxay ahayd mid toos looga dawanayay telefeshinnada dalka Maraykanka, malaayiin ruux oo Ameerikaan ah ayaana indhaha ku hayay, waxaana taageeriyaasha labada dhinac, iyo dadka haga siyaasadda Maraykankuba doonayeen iney ogaadaan labada musharax iyo sida ay dooda u gudanayaan, iyo nin weliba waxyaabaha uu soo bandhigi doono ee la xiriira waxqabadkiisa, marka uu ku guuleysto kursiga Aqalka cad.

Marka laga hadlayo doodaha loo qabto musharixiinta u tartama xilka madaxtnimada dalka Maraykanka, waa mid soo bilaabatay waaya fog, 1960-kii ayaana la sheegaa in doodii ugu horeysa ay isaga hor yimaadeen John Kendy iyo Recherd Neckson, sanado ayay meesha ka baxday doodan, waxaana dib loo soo nooleeyey sanadkii 1976-dii.

Halkaan ka Dhageyso Falanqeynta oo Dhameystiran

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular