Maadaama aanu ku noolnahay caalam uu wax badan iska bedeley, wax welibana dardar ku socdaan, culeesyada jirana aaney naga qarsooneyn, waxay tarbiyada caruurta noqoneysaa mid daruuri ah, muhiimna u ah nolosha qoysaska muslimka ah, si aan usoo saarno jiil ku barbaaray dhabihii salafka iyo Saxaabada ridwaanullaahi caleyhim.
Si hadaba aanu u xaqiijinno arinkaas, waxaa muhiim ah in aabe weliba iyo hooyo kasta ay garato qiyamka ugu muhiimsan ee ay tahay inaan ku beerno caruurteenna xilliyada ay aadka u yaryihiin, si mustaqbalka ay u noqdaan dad waxtar u leh Islaamka iyo Muslimiinta.
Maqaalkan kooban waxaan kusoo gudbin doonnaa ahmiyadda ay leedahay in caruurta lagu barbaariyo qiyamka Islaamka, iyo sida ay arintaasi saameyn ugu yeelaneyso noloshooda iyo bii’ada ay ku noolyihiin.
Qiyamka ay Allaah iyo Rasuulkii ina amreen inaan ku beerno caruurta, kuna barbaarinno waxaa kamid ah Towxiidka micnihiisa shaamilka ah, taasoo ay kamid tahay jacaylka Allaah, rumeynta waxdaaniyadiisa iyo weyneyntiisa, tanina waa asaaska tacliinta Islaamka, waana qiyamka ugu weyn uguna horeeya oo ay tahay inaan ku barbaarinno caruurta.
Qiyamka kale ee ay tahay inaan ku barbaarinno ubadkeena waa Iimaanka iyo Alle ka cabsiga, tani oo caruurta da’da yar ku dhiirogelineysa barashada Quraanka kariimka, gudashada waajibaadka diineed oo ay Salaadda iyo u baarinimo falka waalidka kamid tahay.
Islaamka wuxuu dhiirogelinayaa barashada cilmiga sharciga ah, sidaasi darteed waa inaan caruurta ku beernaa ahmiyadda ay nolosha qofka muslimka ah u leedahay barashada diinta, dhaqankan iyo qiyamkan ayaana ah mid ay habootnahay in caruurta xilli hore lagu billaabo, si ay summad iyo astaan ugu noqoto jacaylka cilmiga iyo ehelkiisa, taasoo ku riixeysa camalka.
Runta iyo amaanada iyaduna waa dhaqan muhiim ah iyo qiyam aanu ka maarmi karin qofka muslimka ah, waana iney udub dhexaad u noqoto tarbiyada caruurta, hadalkooda iyo ficilkoodana waa iney ka tarjumaan labadaas tilmaam, waana inaan ku barbaarinnaa fulinta ballamaha iyo ilaalinta amaanaatka.
Akhlaaqda iyo Aadaabta ayaa iyagana kaalin weyn ku leh nolosha caruurta, waana saameyn aan ka hareynin inta ay noolyihiin, sidaas darteed inta ay ku jiraan marxladda tarbiyada iyo barbaarinta waa inaan ku dhiirogelinnaa akhlaaqda wanagsan iyo ilaalinta aadaabta caamka ah.
U baarinimo falka labada waalid iyo ixtiraamka dadka waaweyn ayaa iyaduna dhaqan diineed, waana inaan ku anqarinnaa caruurta, si ay u noqoto dhaqan iyo tilmaam daa’imta inta ay noolyihiin.
Maadaama Islaamku dhiirogeliyaa waxqabshada iyo dedaalka, waa inaan caruurta barnaa iyagoo yar yar iney qaadi karaan masuuliyaad taasoo ku jaan go’an hadba da’dooda, tani waxay keeneysaa in caruurtu ku koraan dulqaadka iyo wax qabsashada, oo naftooda, ehelkooda iyo bulshaduba nafci iyo waxtar u leh.
Geesinnimada iyo dulqaadka ayaa ah iyaguna astaamo lama huraan u ah qofka muslimka ah, sidaasi darteed marxaladda ugu wanaagsan ee caruurta dhaqankan lagu tarbiyeyn karo waa marka ay yaryihiin, salafka ayaana lahaa tilmaamtan oo caruurtooda kula sabartami jiray ku tarbiyeynta geesinimada iyo halyeynimada, si marka ay weynaadaan u noqdaan caruur Islaamka iyo Muslimiinta waxtarta.
Ilaalinta nadaafadda jireed, midka deegaan iyo tan guud ayaa iyaduna ah qiyamka ay tahay iney ku barbaarana ubadka muslimiinta, waana inay ogaadaan ilmuhu iyagoo aad u yar masuuliyadda ka saaran bulshada muslimka ah ee uu ku dhex noolyahay.
Tawaaduca iyo isdhul-dhigidda ayaa ah tilmaam wanaagsan oo dhaqan u ah Awliyada Allaah ee mu’miniinta ah, sidaas darteed waa inaan caruurtannada qiyamkan iyo dhaqankan barnaa iyagoo yar, si ay ugu noqoto tilmaam aan faaruqin marka ay weynaadaan.
Hadaba inaan caruurta ku barbaarinno qiyamkan iyo akhlaaqdan wanaagsan waxay saameyn wanaagsan ku yeelaneysaa noloshooda, waxay kobcineysaa shakhsiyadooda iyadoo ka saareysa astaamaha xun xun ee aan ku wanaagsaneyn qofka muslimka ah.
Waxay qiyamkan ku dhiirogelinayaan caruurta iney lahaadaan akhlaaq wanaagsan iyo habdhaqan toosan, taasoo keeneysa iney waxtaraan bulshada muslimka ah ee ay ku dhex noolyihiin iyo kuwa ay la noolyihiin intuba.
Halkan ka dhagayso qiyamka ay tahay inaan ku beerno Caruurta.