HomeAll newsMid Kamid ah Shaqaalaha Sharikad Taabacsan Oxfam oo Sheegay in Loo Hanjabay.

Mid Kamid ah Shaqaalaha Sharikad Taabacsan Oxfam oo Sheegay in Loo Hanjabay.

C/Naasir Faarax Jiir waxa uu kamid ahaa darawaladda Sharikad taaabacsan hey’adda lagu magacaabo Oxfam ee sheegata iney udooda xuquuqda aadanaha oo fadhigeedu yahay dalka Ingariiska, taas oo uu sheegay in muddo uu la shaqeynayay kadib loo hanjabay.

Waxa uu tilmaamay in muddo 4 sano ah uu darawal u ahaa sharikadda xuquuqdiisa la duudsiiyay, kadibna loosoo bandhigay heshiis cusub oo uu sharikadda ugu shaqeynayo, haddii uu diidana uu shaqada isaga tago.

Lacagihii uu ku lahaa sharikadda ayuu xusay in aan muddo la siinin, markii uu weydiistayna loo hanjabay.

Waxa uu intaa ku daray in dad badan oo isaga lamid ah loo geysto tacaddiyo nuucaan ah kuwaas oo aan hadli karin, sababo ku aaddan in haddii ay hadlaan shaqada laga ceyrinayo.

Halkaan ka dhageyso codka ninka cabanaya

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular