HomeAll newsNatanyahu Oo Khudbad Ka Jeediyay Congreska Maraykanka.

Natanyahu Oo Khudbad Ka Jeediyay Congreska Maraykanka.

Dhiigyacabka lagu magacaabo Natanyahu oo toban bilood xiriir ah si maalinle ah gumaad uga wada deegaannada Marinka Qazza, ayaa lagu soo dhaweeyey dalka Maraykanka, halkaas oo uu ku joogo booqasho rasmi ah.

Wuxuu maalintii shalay kalimad ka jeediyay aqalka Congreska Maraykanka ee The Capitol, isagoo ka hadlay dagaalka dulmiga iyo xadgudubka ah ee uu ku hayo muslimiinta Qazza.

Natanyahu, ayaa sheegay inuu u baahanyahay taageero dheeri ah oo uga timaada dowladda Maraykanka, si gaar ahna wuxuu u codsaday in hub iyo saanad milliteri oo casri ah lagu taageero dagaalka uu kaga jiro Qazza.

Wuxuu aad isugu howlay Natanyahu inuu isu muujiyo qof is difaacaya, mana soo hadal qaadin boqollaalka kun ee maatida ah ee tobanka bilood uu ku xasuuqay Marinka Qazza.

Intii uu kalimadda jeedinayay wuxuu dhowrjeer la kulmay buuq iyo sawaxan, iyadoo xubno katirsan aqalka Congreska Maraykanka ay diidanayeen dhageysiga hadalkiisa, oo ay eedo usoo jeedinayeen.

Waxay qaarkood sheegee in Natanyahu uu yahay dagaal ooge laayay dad badan oo shacab ah, sidaasi darteed aanu mudneyn inuu Congreska kalimad ka jeediyo, hadalkaas oo laftiisa ah mid lagu maadeysto, maadaama aqalkan ay horey uga soo khudbeeyeen hogaamiyaal Ameerikaan ah oo malaayiin ruux oo dad ah laayay.

Ra’iisul wasaaraha Yahuudda Bin Yamin Natanyahu, waxaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato madaxda Maraykanka oo uu kamid yahay Biden iyo musharaxa Jamhuuriga ee Donald Trump.

Inta ay socoto booqashada Natanyahu ku joogo dalka Maraykanka, waxaa dhacaya banaanbaxyo ay dhigayaan dad ka careysan waxa ay Yahuuddu ka geysanayaan Marinka Qazza.

Boqollaal dad ah oo careysan ayaa isku dayay iney xoog ku galaan xarunta Congreska Maraykanka, laakiin uma suurogelin, waxayna dadku wateen halkudhigyo ka dhan ah Natanyahu, sidoo kalena ay ku amaanayaan Qazza iyo muqaawamadeeda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular