Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa tilmaamaya, in kooxo dhalinyaro ah ay dileen wiil dhalinyaro Soomaalia ah, falkan ayaana ka dhacay mandiqadda Bali nee Laahaay.
Sida ay wararku xaqiijinayaan, kooxo gangis iney yihiin loo badinayo ayaa garaacis kala daalay wiil dhalinyaro Soomaali ah oo da’diisa lagu sheegay 23 sano, garaacistaas ayaana keentay in ugu dambeyntii uu u dhinto.
Ninka la dilay ayaa ahaa qoxooti aah heysanin sharciga dalka Maraykanka, waxaana markii la dilay kadib oo ay kooxdu baxsatay ay ciidamada booliisku sheegeen iney raadinayaan cida ka dambeysay falka dilka ah.
Booliiska gobolka oo aan illaa iyo hadda bixin tafaasiil rasmi ah ayaa sheegay in kahor dilka uu buuq soo kala dhexgalay wiilka Soomaaliga ah iyo dadka falka geystay, buuqaasna uu markii dambe keenay inay garaacaan wiilka soomaaliga ah, sidaasina ku dilaan.
Hay’adda diiwaangelisa qaxootiga dalka Maraykanka ayaa tilmaamtay in ninka la dilay ee Soomaaliga ah tan iyo January uu ku sugnaa xarun lagu qaabilo dadka qoxootiga ah, horeyna uu saddex sano ugu soo noolaa dalka Holland.
Soomaalida ku nool dalalka caalamka ayaa wajaha dhibaatooyin adag oo kala duwan, kuwaasoo ay kamid tahay dilal bareer ah oo loo geysanayo, Maraykanka sheegta waxa loogu yeero xoriyadda iyo dimuqraadiyadda ayaana kamid ah meelaha lagu ugaarsado Soomaalida.