Ciidamada Jamaacada jihaadiga ah ee Nusratul Islaam wal Muslimiin ayaa weerar dhabogal ah u dhigay, kolonyo ciidamo ah oo isuga jira milliteriga Maali iyo askarta Fagnar ee calooshood u shaqeystayaasha ah.
Kamiinka ayaa ka dhacay deeegaan lagu magacaabo Tan-tagaa-giit oo dhaca wadanka Maali, waxaana khasaare baaxad leh lagu gaarsiyay murtazaqada Fagnar iyo ciidanka Maali.
Muuqaal kooban oo ay baahisay mu’assasada Az-Zallaaqa ayaa lagu arkayaa meydadka tobanaan askari oo daadsan goobta dagaalka, kuwaasoo qaarkood ay kamid yihiin ciidamada Fagnar, sida muuqatana kasoo jeeda wadamada Ruushka iyo Jamhuuriyadaha uu gumeysto.
Marka laga yimaado ciidnaka tirobeelka ah ee lagu dilay kamiinka, waxay ciidamada Nusratul Islaam wal Muslimiin gacanta kusoo dhigeen saraakiil iyo ciidamo nool oo ka kala tirsan kooxda Fagnar iyo xukuumadda Maali.
War kooban oo kasoo baxay Az-Zallaaqa ayaa lagu sheegay in kamiinka lagu dilay ugu yaraan 50 askari oo katirsan malleeshiyaadka Fagnar iyo 10 askari oo katirsan ciidamada Maali.
Nusratul Islaam wal Muslimiin waxay sheegtay in weerarku jawaab u ahaa gabood fallada gurracan, ee ay waayadii u dambeysay murtazaqada Fagnar ka geysanayeen wuqooyiga dalka Maali.