HomeAll newsNusratul Islaam wal Muslimiin oo Weeraro Culus ka fulisay Maali Iyo Burkina...

Nusratul Islaam wal Muslimiin oo Weeraro Culus ka fulisay Maali Iyo Burkina Faso.

Dagaallo culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga soo wariyay dalalka Maali iyo Burkina Faso, oo kamid ah wadamada ay ku xooganyihiin mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin.

Haddii aan ku hormarno dalka Maali, waxay ciidamada Nusratul Islaam wal Muslimiin weeraro xoogan ku qaadeen labo saldhig oo ay ku sugnaayeen milliteriga Maali, kuwaasoo ku yaala deegaanka Saandari ee gobolka Naara.

War kasoo baxay Az-Zallaaqa oo ku hadasha afka Nusratul Islaam, waxaa lagu sheegay in ciidamada Maali ay cagaha wax ka dayeen markii ay rasaastu ku billaabatay, goobtana waxay uga tageen askari dhimasho ah.

Waxaa weerarka culus lagu soo furtay saanado hub ah, oo ay ku jiraan hubka lidka diyaaradaha ee gawaarida lagu rakibo, sawirro ay mu’assasada Az-Zallaaqa ku lifaaqday bayaanka ay soo saartay ayaana muujinaya dagaalyahannada Nusratul Islaam wal Muslimiin oo dhex taagan saldhigyada ciidamada Maali.

Dhinac kale, wadanka Burkina Faso, waxay mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin kamaa’in u dhigeen, askar katirsan ciidamada Burkina Faso oo dhaq-dhaqaaqyo ciidan sameynayay.

Ugu yaraan labo kamiin oo ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Fandaagooma iyo Tan-Ku-duuku, ayaa waxaa lagu dilay labo askari, halka ay mujaahidiintu ku furteen hub kala duwan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular