Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab gaar ahaan guutooyinkooda qaraxyada ayaa waxa ay maanta weerar qarax ah ka fuliyeen duleedka magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada-hoose.
Qaraxa ayaa waxa uu haleelay gaari nuuca loo yaqaanno Haartoobka oo ay la socdeen askar katirsan maamulka Jubbaland, waxaana ku dhaawacmay tiro askar ah.
Illaa 6 askari ayaa la xaqiijiyay iney ku dhaawacmeen weerarkaan qaraxa ah, kuwaas oo 4 kamid ah ay garaab yihiin maadaama ay soo gaareen dhaawacyo daran.
Geesta kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxa ay habeenkii xalay weerar ku qaadeen xero ay askarta shisheeye ee dalka kusoo duulay gaar ahaan kuwa Xabashida Itoobiya ku leeyihiin gobalka Bakool.
Xirada lagu weeraray ciidanka Itoobiya ayaa ku taalla degmada Xudur ee gobalka Bakool, mana aanan helin tafaasiil ku aaddan khasaaraha gaaray askarta Xabashida.