Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay howlgal qarax ah ka fuliyeen duleedka magaalada Buuloburde ee gobalka Hiiraan, kaas oo ay la beegsadeen askar katirsan dowlada fedaraaalka.
Weerarka qaraxa ah ayaa waxa uu haleelay askarta ku sugneyd duleedka magaalada, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan 1 askari oo katirsan dowladda fedaraaalka ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarkaas, halka lagu dhaawacay 2 kale.
Geesta kale Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaaa dagaallo culus oo maaalintii shalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa dowladda fedaraaalka ku dhex maray duleedka magaalada Buuloburde ee gobalka Hiiraan.
Khasaaraha dhimasho ee askarta dowladda fedaraalka lagu gaarsiiyay dagaalladaas ayaa gaaray 11 askari, halka dhaawacuna uu marayo 14 kale oo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.