Maxa’ed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ah madaxweynaha maamulka isku magacaabay Galmdug, ayaa looga yeeray safaaradda Maraykanka ee xerada Xalane, halkaas oo uu kula kulmay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.
Qoorqoor ayay wararku sheegayaan in su’aalo laga weydiinayo hubkii faraha badnaa ee dhawaan lagu furtay magaalada Caabdu-Waaq ee gobolka Galgaduud, kaasoo illaa iyo hadda ay kasoo baxayaan warar is khilaafsan.
Madaxweynaha maamulka isku magacaabay Galmudug ayaa la sheegayaa in xogo muhiim ah oo la xiriira hubkii lagu furtay Caabdu-Waaq uu la wadaagay safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho.
Tan ayaa muujineysa, sida ay aqoonyahanku tilmaamayaan, in safaaradda Maryakanka ee xerada Xalane ay tahay cida rasmiga ah ee leh go’aanka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, shakhsi weliba oo xil ka haya maamulladaasna markii loo baahdo farta loogu yeerayo.