Maamulka Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud iyo ganacsatada oo iskaashanaya ayaa gurmad raashiin gaarsiiyay, dad tabaaleysan oo ku nool degmada Galhareeri oo kamid ah degmooyinka wilaayada.
Dadka gurmadka loo fiyay ayaa la gaarsiiyay gurmad raashiin noocyo kala duwan leh, waxaana ay kusoo aaday xilli ay u baahi qabeen.
Qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa uga mahadceliyay maamulka Wilaayada Islaamiga ah iyo ganacsatada degmada, gurmadka ballaaran ee ay soo gaarsiiyeen.