HomeAll newsSaraakiil Kamid Noqday Ciidamadii Lagu Laayay Dagaalkii Buulo-Xaaji. .

Saraakiil Kamid Noqday Ciidamadii Lagu Laayay Dagaalkii Buulo-Xaaji. [Faahfaahin].

Waxaa xogo dheeraad ah laga helayaa khasaaraha ka dhashey dagaal maanta barqadii duleedka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose ku dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Federaalka.

31 askar iyo saraakiil isuga jira ayaa ku dhintay dagaalka, kuwaasoo ay kamid yihiin illaa saddex sarkaal oo kala ah: Bishaar oo ahaa taliye urur, ku xigeenkiisa iyo Axmed oo isaguna ahaa taliye urur.

Dhaawacyada guud ee gaaray ciidamada Dowladda Federaalka waa 17 askar iyo saraakiil isuga jira, waxaana kamid ah Cabdi Kaafi oo ah taliyaha ciidamada ku sugan deegaanka Buulo-Xaaji iyo ku xigeenkiisa taliye Bashiir.

Maamulka Jubbaland oo dhankiisa ka hadlay dagaalka ayaa qirtay in khasaare uu soo gaaray ciidankooda, walow tiro ahaan ay aad uga yartahay inta ay Xarakada Al-Shabaab sheegatay iney ku dishey dagaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular