HomeAll newsSarkaal Katirsan Maamulka Galmudug Oo Lagu Dilay Gobolka Galgaduud.

Sarkaal Katirsan Maamulka Galmudug Oo Lagu Dilay Gobolka Galgaduud.

Xiisad colaadeed ayaa ka taagan deegaan hoostaga magaalada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud, taasoo u dhexeysa ciidamo katirsan sirdoonka Dowladda Federaalka iyo malleeshiyaad qaab qabiil u abaabulan.

Xiisadan ayaa timid kadib markii gawaari ay hub ku raranyihiin kasoo gudbeen dhanka deegaannada Soomaali-galbeed, askarta sirdoonka Dowladda Federaalka katirsan ee gelbinayay gawaaridaas ayaana waxay isqabteen malleeshiyaad hab qabiil u abaabulan.

Dagaallo labada dhinac dhexmaray ayaa sababay geerida sarkaal katirsan maamulka Galmudug, welina waxaa deegaanka isku hor fadhiya labada dhinac, illaa iyo hadana ma cada cida rasmiga ah ee iska leh hubkan uu dagaalka ka billowday, oo ay kasoo baxayaan warar kala duwan.

Halkan ka dhagayso faafaahin la xiririta dhacdada.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular