Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa shil gaari oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo maalintii shalay ka dhacay gudaha dalka Kenya.
Shilkaan ayaa waxa uu sigaar ah kaga dhacay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxaana ka dhashay lhasaare naf iyo maalba leh.
Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo kuwa xamuulka qaada ah, kuwaas oo marayay mid kamid ah wadooyinka ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.
Ugu yaraan 2 ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen shilkaan gaari, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, kuwaas oo la dhigay xarun caafimaad.
Mid kamid ah darawallada ka xeynayay gaadiidka xamuulka ah ee isku dhacay ayaa lasoo warinayaa inuu xakameyn waayay wadista gaariga, taas oo sababtay inuu kan kale ku dhaco sida ay sheegeen boliska Kenya.
Waxa ay intaasi ku dareen in darawallada labada gaari ee shilka galay ay isla goobta ku geeriyoodeen, halka 3 qof oo kamid ahaa rakaabka gaadiidkaasna ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Dalka Kenya ayaa kaalmaha hore kaga jira wadamada ugu shilalka badan ee qaaradda Africa, waxaana sannaad waliba shilalka ka dhaca dalkaan ku nafwaaya kumannaan ruux oo Kenyan ah.