HomeAll newsShisheeyaha ATMIS oo Ka Hadlay Falkii Gurracanaa ee ay Ka Geysteen Buulo-Mareer.

Shisheeyaha ATMIS oo Ka Hadlay Falkii Gurracanaa ee ay Ka Geysteen Buulo-Mareer.

Ciidamada shisheeye ee ATMIS ee duullaanka ku jooga Soomaaliya ayaa Si dadban u qirtay dhacdadii Buulo-Mareer ee ay ku laayeen dadka shacabka ah.

ATMIS ayaa tilmaamtay iney baaritaanno ku sameyn doonto dhacdada la xiriirta dilka dadka shacabka ah, marka uu soo dhamaadana ay natiijada la wadaagi doonto warbaahinta.

Dhawaan ayay ahayad, markii ciidamada Uganda ee qeybta ka ah duullaanka Soomaaliya ay Buulo-Mareer ku gowraceen 2 ruux oo dhalinyaro ah, halka meyd ahaan uga tageen oday waayeel ah.

Inkabadan 10 sano ayay ciidamada Shisheeye ee duullaanka ku jooga Soomaaliya wadaan gumaadka shacabka, mar welibana waxay sheegaan iney baaritaanno sameyn doonaan, gobolka Shabeellaha Hoose ayaana kamid ah meelaha ugu badan ee ay tacadiyaadka ugu xanuunka badan ka geysteen ciidamada Shisheeyaha.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhankeeda, waxay wacad ku martay in jawaab kulul ka bixi doonto, tallaabada ay ciidamada shisheeye ee Uganda ku gowraceen dadka maatida ah ee aan waxba galabsan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular