War kasoo baxay sirdoonka maamulka labaxay Soomaaliland ayaa lagu sheegay in deegaannada maamulkaas ka taliyo ku qabteen, xubno katirsan sirdoonka Dowladda Federaalka.
Illaa labo qof ayay sheegeen iney gacanta ku dhigeen, halka ay ku dabo joogaan 6 kale oo ay sheegeen iney xogo ku hayaan iney ku suganyihiin gudaha deegaannada uu ka taliyo maamulka Soomaaliland.
Tan ayaa qeyb ka ah xiisadda ka dhextaagan maamulka Soomaaliland iyo Dowladda Federaalka, oo mid weliba ku tiirsanyahay dowlado shisheeye oo dano gurracan ka leh dalka Soomaaliya.