HomeAll newsSoomaalida Mandera oo Dacwo Ka ah Shirkadda Isgaarsiinta ee Safaricom.

Soomaalida Mandera oo Dacwo Ka ah Shirkadda Isgaarsiinta ee Safaricom.

Xaafadda Barwaaqo ee magaalada Mandheera ee dhulka Kenya ay ka heysato Soomaaliya ayaa ka cabanaya dhibaatooyin uga imaanaya shirkadda isgaarsiinta Safaricom ee ay leedahay xukuumadda Nairobi.

Dadka ayaa ka cabanaya siimanka dhaadheer ee ay shirkaddani ka dhistay bartamaha xaafadaha dadweynaha, iyo matoorada guuxa culus ee 24ka daaran, taasoo ay dhibaato ku qabaan dadka waayeellada ah.

Bulshada cabashadan soo jeedisay ayaa tilmaamay iney jiraan caruur da’ yar oo ku dhega beeley guuxa matoorada ay isticmaasho shirkadda isgaarsiinta Safaricom, waxayna soo jeediyeen in arintaas xal loo helo.

Safaricom, waa shirkad isgaarsiineed oo ay leedahay dowladda Kenya, waxaana marka laga soo tago dhibaatooyinka ay dadkani sheegayaan ay sidoo kale xogaha dadka isticmaala adeegeeda u gudbisaa sirdoonka Kenya.

Halkan ka dhagayso warbixin ku saabsan cabashada dadka Mandheera.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular