Tan iyo wixii ka dambeeyay 2011-kii, dowladda Turkiga waxay galaangal muuqda oo toos ah ku lahayd dalka Soomaaliya iyo siyaadda Dowladda Federaalka, waxaana dalkan oo huwan magac gurmad uu kamid ahaa dhinacyadii Soomaaliya soo gaaray iyagoo sheeganaya iney kaalmo u yihiin shacabka Soomaaliyeed.
Augosto 2011-kii, waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kasoo degay wafdi uu hogaaminayo Ordogan oo xilligaas ahaa ra’iisul wasaaraha Turkiga, waxaana uu ahaa hogaamiyihii ugu horeeyay oo aan Afrikaan ahayn oo 20 sano kadib soo gaara Muqdisho.
Si ka duwan halkudhigyadii ay kor u luleysay dowladda Turkiga ee gargaarka iyo taakulada, waxay xukuumadda Ankara la wareegtay ilihii dhaqaale ee dalka, garoonka diyaaradaha iyo dekadda ayaana laga eryay shaqaalihii Soomaalida, iyadoo lagu bedelay shaqaale Turkish ah.
Tani waxay keentay in qoysas badan oo Soomaali ah uu ka damo dabka, maadaama dadkii biilayay ee xoogsatada ahaa ay shaqadoodii waayeen, ganacsatada Turkiga ayaana Muqdisho iyo Soomaaliya ka heley suuq furan oo ay usoo iib geeyaan dhamaan badeecadahooda.
Heerka qabsashada iyo la wareegitaanka ganacsiga Soomaaliya ee Turkiga, wuxuu gaaray in adeegyada ugu yar ee la isticmaalo uu Turkigu keeno Muqdisho, sida ukunta, cajiinka iyo wixii lamid ah, taasina waxay meesha ka saartay ganacsiga dad badan oo Soomaali ah.
Marka laga yimaado in dowladan ku faanta cilmaaniyadda ee Tukriga ay gacanta ku heyso ilaha dhaqaale ee dalka, sida garoonka iyo dekadda, kuna jilba fidsatay ganacsiyo badan oo uu dalku lahaa, waxay hadda Turkiga wadaa diyaar garowgii ugu dambeeyay oo ay ku boobeyso kheyraadka badda Soomaaliya.
Dhawaan waxaa magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga ka dhacay, heshiis dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Turkiga, kaasoo Ankara u ogolaanaya iney boobto kheyraadka dhex ceegaaga badda Soomaaliya.
Wasiirka Tamarta ee Turkiga ayaa Anakara kula saxiixay kan Batroolka ee Dowladda Federaalka, heshiis xukuumadda uu hogaamiyo Ordogan u ogolaanaya iney shidaal baaris iyo qodisba ka sameeyaan saddex goob oo katirsan xeebaha Soomaaliya.
Aag kasta oo kamid ah saddexda goobood waa 5,000 oo kilomoter oo isku wareeg ah, labada ka mid ah aagagga ayaa waxaa 50 kilimitir loo galayaa badda, halka mid ka mid ahna gudaha badda loo galayo ilaa 100 kilomitir.
Alab Arsalaan oo ah wasiirka Tamarta ee Turkiga, wuxuu heshiiskan u ogolaanaya dalkiisa inuu boobo kheyraadka dabiiciga ah ee badda Soomaaliya ku tilmaamay mid “taariikhi ah”, isagoona intaa ku daray in ugu yaraan 50 shaqaale Turkish ah ay qaban doonaan howsha shidala baarista iyo qodista isugu jirta.
Madaxweynaha Turkiga Rajab Ordogan, ayaa baarlamaanka dalkaas weydiistay, iney qalinka ku duugaan xeer ogolaanaya in ciidamo Turki ah la geeyo xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo ilaalinaya markabka shidaal qodista sameynaya ee lagu magacaabo Oruc Reis.
Marka laga hadlayo halka ay dhacaan aagaga sadexda ah ee markabka shidaalka Turkigu ka billaabi doonto howsha shidala baarista, waxaa lagu soo waramayaa iney dhacaan inta u dhexeysa Hobyo iyo Xarardheere ee bartamaha Soomaaliya.
Sida uu warbaahinta dalka Ingiriiska u sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka iyo macdanta Dowladda Federaalka, Maxamed Xaashi Carabay, saddexda aag waxay dhacaan inta u dhexeysa Hobyo iyo Xarardheere, aag welibana waa masaafo dhan 5,000 oo kilmoter isku wareeg ah.
Turkiga wuxuu dowr iyo kaalin muuqata ku leeyahay gulufka dagaal ee reer galbeedku ku qaadeen caalamka Islaamka, wixii ka dambeeyay weeraradii 11 September, waana xubin kamid ah ururka NATO ee horfiiqa ka ahaa duullaanadii Afqanistaan, Ciraaq, Soomaaliya iyo dalal kale oo dhaca caalamka Islaamka.
Isagoo muujisanaya dareen Islaamnimo, ayuu Turkigu isku soo maqiiqay Soomaaliya, faragelinta Turkiga ee dalkan ma ahan mid soo bilaabaneysa 2011-kii, balse 1992-dii duullaankii Maraykanku kusoo qaaday Soomaaliya, waxaa sarkaalka hogaaminayay howlgalka uu ahaa hogaamiye Turki ah.
Soomaaliya, waa dal hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah ee kala duwan, waana dal dahan oo aan wax badan laga isticmaalin, dowladaha caalamka ee ugu tunka weyn ayaana u kala tartamaya boobka kheyraadkan aaney jirin cid difaacaneysa.
Aqoonyahanka Soomaalida ayaa u arka madaxda Dowladda Federaalka iney yihiin ” dullaalo” aan wax dan ka lahayn umadda Soomaaliyeed iyo jiritaankeeda, hadafkooda ugu weynna uu yahay sidii ay shilimaad yar uga heli lahaayeen qandaraasyad balaayiinta doollar ku kacaya ee ay u saxiixayaan dalalka shisheeye.