Japhet Koome oo ahaa taliyaha ciidamada booliiska Kenya ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaas, taasoo timid kadib todobaadyo banaanbaxyo ah oo gilgilay guud ahaan wadanka Kenya.
Booliiska ayaa lagu eedayay iney geysteen dilka dibadbaxyaal rayid ah, iyagoo sidoo kale xabsiyda dhigay boqollaal dad ah, kuwaasoo qaarkood lagu jirdilay gudaha jeelasha.
Taliyaha booliiska ee xilka iska casilay waxaa durba booskiisa la geliyay baaraha guud ee booliiska Douglas Kanja Kirocho.
Tallaabadan waxay imaaneysaa iyadoo maalintii shalay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto kala diray golihii wasiirada xukuumadda Nairobi, waxaana tallaabooyinkan lagu micneynayaa mid lagu doonayo in lagu dejiyo carada dadka shacabka ah, inkastoo taasi aaney muuqan.