Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya soo gaaraya Gen. Sam Kavuma oo ah taliyaha cusub ee ciidamada shisheeye ee ATMIS, kaasoo xilkan loo magacaabay saddex bilood kahor.
Jeneraalka cusub ee ciidamada shisheeye ee ATMIS hogaaminaya, ayaa kasoo jeeda dalka Uganda, halkaas oo uu kasoo qabtay xilal kala duwan, waxaana uu shaqada kala wareegay taliyihii isaga ka horeeyey.
Taliyaha horey u hogaaminayay ciidamada ATMIS ayaa lagu magacaabaa Gen. Sam Okiding, waxaana hadda loo magacaabay inuu noqdo taliye ku xigeenka ciidamada UPDF ee Uganda.
Taliyaha cusub ee ciidamada shisheeye ee ATMIS, ayaa Axaddii soo gaaray Muqdisho, waxaana si rasmi ah loogu soo dhaweeyey taliska ciidamada Afrikaantu ku leeyihiin xerada Xalane ee Muqdisho.
Jeneraal Sam Kavuma ma ahan markii ugu horeysay ee uu Soomaaliya yimaado, wuxuuna horey usoo noqday taliyaha ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya, intii u dhexeysay October 2014-ka illaa Novmeber 2016-ka.
Ciidamada Uganda ayaa qeyb ka ah shisheeyaha kusoo duuley Soomaaliya, waana ciidankii ugu horeeyay oo duullaan ku yimid Soomaaliya marka laga reebo ciidanka Xabashida ee dalkan soo galay sanadkii 2006-da.
ATMIS, ayaa ah howlgalkii ugu mudada dheeraa ee dowladaha Afrika ay qaadaan, waxaana hadda socda isku dayo lagu doonayo in lagu soo afjaro duullaankan, maadaama uu xaqiijin waayay ahdaaftii uu lahaa oo ay ugu weyneyd burburinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.