HomeAll newsThe Standard: Saraakiil Booliis Oo Lagu Dilay Mandera halka Kuwa kalena La...

The Standard: Saraakiil Booliis Oo Lagu Dilay Mandera halka Kuwa kalena La La’yahay.

Wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa daabacay warbixin uu kaga hadlayo in weerar ka dhacay gobolka Mandera ee kamid ah dhulka NFD ee ku jira gumeysiga dowladda Kenya lagu dilay saraakiil booliis, kuwa kalena lagu la’yahay.

Ugu yaraan 4 sarkaal oo katirsan ciidamada booliiska Kenya ayaa lagu dilay weerarka, halka la la’yahay goob ay jaan iyo cirib dhigeen 5 sarkaal kale, waxaana la muujinayaa suurtogalnimada in maxaabiis ahaan gacanta loogu dhigay.

Marka laga yimaado saraakiisha dhimatay iyo kuwa la la’yahay, waxaa weerarka ku dhaawacmay ugu yaran 6 askari oo katirsan ciidamada booliiska dowladda Kenay, sida lagu sheegay warbixinta.

Weerarka ayaa habeen hore ka dhacay deegaan lagu magacaabo Har Sigenge, Mandera, waxaana uu dhacaa xadka kala qeybiya Banisa iyo Mandera.

Ciidamada booliiska Kenya ayaa weerarkan dusha kaga tuuray masuuliyadiisa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, laakiin majirto illaa iyo hadda war rasmi ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku saabsan weerarkan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular