HomeAll newsThe Times of Israel: Xiriirka maamulka Soomaaliland iyo kan Yahuudda!

The Times of Israel: Xiriirka maamulka Soomaaliland iyo kan Yahuudda!

Wargeyska The Times of Israel, ee taabacsan maamulka Yahuudda, ayaa daabacay maqaal uu qoray qoraa reer galbeed ah, kaasoo ciwaan looga dhigay “ Ahmiyadda Istiraatijiyadeed ee amniga Yahuuddu u leeyahay aqoonsiga Soomaali-land”.

Wuxuu qoraagan lagu magacaabo Micheal Arizanti, kana howlgala hay’ado fadhigoodu yahay dalalka reer galbeedka tilmaamayaa, in waayadii u dambeysay Yahuuddu xooga saarayeen in xulafa iyo shuraako ku yeeshaan mandiqadda geeska Afrika oo ay ka jiraan isbedello Jiyo siyaasi ah oo dardar ku socda.

“Mid kamid aah fursadahaas ay heysato Israa’iil waa Soomaali-land, oo waaqic ahaan marka laga hadlayo ah maamul madax banaan oo ka jira geeska Afrika, Yahuuda ayaana ka faa’ideysan karta ictiraafka dowladnimo ee maamulkan, iyadoo taasi ay ka saacideyso ilaalinta amniga Yahuudda, iyo taakulaynta mamaullada dimuqraadiga gobo”ka” ayuu leeyahay qoraaga maqaalka.

Sida uu tilmaamayo Micheal Arizanti, wuxuu ictiraafka maamulka Soomaaliland u yahay Yahuudda tallaabo ay ku ilaashan karaan masaalixdooda geeska Afrika, maadaama maamulkan uu ka taliyo goob istiraatiiji ah oo kamid ah gacanka Cadan, ahna marin biyood muhiim ah oo isku xira qeybo badan oo kamid ah caalamka.

Gacan saar dhexmara maamulka Yahuudda iyo maamulka Soomaaliland ayay warbixintu tilmaameysaa, in Yahuudda ay u suurogelin karto iney saldhig ka sameystaan badda Cas iyo gacanka Cadan, taasoo u fududeyneysa isaga kala gudbidda caalamka iyo xaqiijinta danaha fog ee istiraatiijiyadeed ee la xiriira amniga iyo dhaqaalaha.

“In Soomaaliland ay u dhowdahay Yemen, ayaa ka dhigeysa iney ku taallo goob muhiim ah, oo Yahuudda ka saacidi karta helitaanka xogaha sirdoon ee la xiriira halisyada uga imaanaya Iiraan iyo Xuuthiyiinta, waxayna ku kasban doontaa ictiraafka Soomaaliland iney helaan Yahuudda xaliif muhiim ah oo ka saacida dagaalka ka dhanka ah argagixisada” ayuu leeyahay qoraaga qoray warbixintan lagu daabacay wargeyska The Times of Israaiil.

Marka laga yimaado arimaha amniga iyo sirdoonka, waxay warbixintu tilmaameysaa in maamulka Yahuudda uu deegaannada uu ka arimiyo maamulka Soomaali-land ka helayo fursado muhiim ah oo la xiriira dhaqaale abuurka, sida maalgashiga beeraha, iyo korontada.

Wuxuu leeyahay “ Haddii Yahuuddu xiriir diblumaasiyadeed la yeeshaan Soomaaliland, waxay ka helayaan fursado dhaqaale oo muhiim ah, waxaana ay la saxiixan karaan heshiisyo ganacsi iyo mashaariic wadajir ah, oo labada dhinacba faa’iido u a””.

Sida lagu sheegayo warbixinta uu daabacay wargeyska The Times of Israa’iil, xiriir dhexmara Yahuudda iyo maamulka Soomaaliland, wuxuu abuuri karaaa furasdo horleh oo ay Yahuuddu geeska Afrika kaga helaan dalal diyaar u ah iney caadiyeeyaan xiriirka Yahuudda, taasoo kamid ah waxyaabaha ugu badan ee ay dadaallada diblumaasiyadeed ku bixiyo maamulka Yahuudda ee xooga ku hesyta dhulka muslimiinta Filastiin.

Warbixintan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo maamulka Soomaaliland uu horey heshiis xaaraan ah ula galay dowladda Itoobiya, taasoo Xabashida lagu siiyay qeybo kamid ah badda Soomaaliya.

Waxaa la rumeysanyahay in Itoobiya oo ay ku noolyihiin Yahuud badan ay taageero ka heleyso maamulka Yahuudda, si looga dhabeeyo heshiiskii ay horey ula gaartay maamulka Soomaaliland ee la xiriiray badda Soomaaliya.

Maamulka Yahuudda ayaa fursado qaali ah ka dhex arka in heshiiska Itoobiya iyo maamulka Soomaaliland uu isku bedelo mid xaqiiqo ah, taasoo ka saacideysa in iyaguna ay wujuud xoog leh ka helaan geeska Afrika, maadaama Itoobiya ay xaliif dhow la tahay Maraykanka iyo Yahuudda.

Maamulka Soomaaliland ayaa si uu u helo wax un ictiraaf ah, wuxuu xaraashayaa dhulka Soomaaliyeed iyo kheyraadka umadda, hogaamiyaha maamulkan ayaana markii uu marmarsiyada u raadinayay heshiiskii uu Itoobiya ku siiyay badda Soomaaliya, wuxuu qiil ka dhigtay in iyaguna ay helayana ictiraafka Itoobiya.

Maalmihii lasoo dhaafay, waxaa waribixinno la helayo ay tilmaamayaan in wafdi ka socda dowladda Itoobiya soo gareen deegaanada wuqooyi galbeed ee Soomaaliya, ayna booqasho ku tageen qeybo kamid ah deegaannada xeebta ah ee uu qorshuhu yahay in Itoobiya ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan.

Warbixintan cusub ee lagu daabacay wargeyska The Time of Israa’iil, ayayna aqoonyahanka Soomaalidu aaminsanyihiin iney ka tarjumeyso dadaallo ballaaran oo daaha gadaashii ka socda, kuwaasoo ay si wadajir ah u wadaan Yahuudda iyo maamulka Soomaaliland, wax la baciidsadana maahan in la arko xiriir muuqda oo dhexmara labada dhinac.

Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa dhankeeda waxaa horey usoo baxay warbixinno tilmaamaya iney jiraan kulamo dhexmaray masuuliyiinteeda ugu sareeya iyo kuwa maamulka Yahuudda, laguna qanciyay in iskaashi dhinacyo badan leh uu labada dhinac dhexmaro.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxmuud, ayaa horey u sheegay iney u aqoonsanyihiin maamulka Yahuudda dowlad rasmi ah oo maamusha dhul iyadu leedahay, taasoo gef weyn ku ah muslimiinta iyo muqadasaatkooda, maadaama sida la ogyahay ay Yahuuddu xoog ku heystaan dhulka Filastiin, oo aaney iyagu lahayn.

Dhagayso Warbixin- Ictiraafka Soomaaliland iyo Maamulka Yahuudda

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular