Wararka ka imaanaya dalka Nigeria ayaa tilmaamaya in dhisme iskuul oo dumay uu geystay khasaare baaxad leh oo gaaray ardeyda xaruntaas waxbarasho.
Iskuulka dumay ayaa lagu magacaabaa Saint Academy school, wuxuuna ku yaalaa deegaanka lagu magacaabo Jos North ee hoostaga gobolka Plateau ee wadanka Nigeria.
Dhismaha ayaa soo dumay xilli ardeydu ay u fadhiyaan imtixaan, waxaana durba goobta ku geeriyooday ugu yaraan 21 arday, halka ay dhaawacmeen tobanaan kale.
Masuuliyiin katirsan maamulka deegaanka ay dhacdadu ka dhacday ayaa ka gaabsaday iney cadeeyaan tirada rasmiga ah ee dhimashada, iyagoo ku gaabsaday in dhowr arday ay geeriyoodeen.
Laakiin wariyaasha oo tagay xarumaha caafimaadka, lana kulmay qaar kamid ah ehellada ayaa soo wariyay in dhimashadu ay tahay 21 arday.
Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay burburka dhismaha iskuulka, laakiin waxaa loo sababeynayaa inuu ahaa dhisme qadiimi ah oo aan dhawaanahan la dayactirin.