HomeAll newsTobanaan Qof oo Yahuud ah oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Al-Jowlaan.

Tobanaan Qof oo Yahuud ah oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Al-Jowlaan.

Warbaahinta maamulka Yahuudda ayaa baahiyay in tobanaan ruux ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen gantaal kusoo dhacay deegaan kamid ah gobolka Al-Jowlaan oo kamid ah dhulka ku hoos jira gumeysiga Yahuudda.

Gantaalka ayaa ku dhacay deegaan lagu magacaabo Majdal-Shamsi, waxaana inta haatan la xaqiijiyay ku dhintay 9 ruux oo Yahuud ah, halka ay ku dhaawacmeen 30 qof oo 7 kamid ah xaaladooda liidato.

Muuqaallo ay baahiyeen warbaahinta Yahuudda, ayaa muujinaya xaalad kacsanaan ah oo ka jirta deegaanka uu gantaalku kusoo dhacay, iyadoo ciidamada booliiska iyo shaqaalaha gurmadka degdega ay ku suganyihiin goobta.

Ra’iisul wasaaraha Yahuudda Bin Yamin Natanyahu oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa lagu wargeliyay dhacdadan, waxaana uu wadaa wadahadallo uu la yeelanyo masuuliyiinta amniga ee Yahuudda.

Saraakiisha Yahuudda ee warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney jawaab culus ka bixi doonaan duqeynta khasaaraha ba’an geysatay, iyagoo tilmaamay in gantaalka laga soo tuuray Lubnaan.

Laakiin ururka shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah, ayaa war rasmi ah oo uu soo saaray wuxuu isaga fogeeyay in isagu ka dambeeyo duqeynta Al-Jowlaan.

Yahuudda ku sugan dhulka Al-Jowlaan ee kamid ah Suuriya, gumeysigana ku jiro, ayaa wajahaya xilligan xaalad adag, waxaana caawa ay ku hooyanayaan godadka dhulka hoostiis ka qodan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular