Wararka ka imaanaya dalka Uganda ayaa tilmaamaya in halkaasi lagu xiray muwaadiniin u dhashey dalka Shiinaha, oo dalkaas ka waday howlo ganacsi.
Shaqaalaha la xiray ayaa tiradoodu gaareysaa illaa 7 ruux, waxaana soo eedeyay qeybta ilaalinta bii’ada ee dowladda Uganda, iyadoo lagu eedeyay in si sharci darro ah ay carada bacaadka ah uga raranayeen wadanka Uganda.
Waxaa lagu soo qabtay wadada xiriirisa magaalooyinka Kampla iyo Masaka, iyadoona loo taxaabay xabsi, halkaas oo la filayo in maxkamad laga soo saaro.
Deegaanka ay bacaad qodista ka wadeen waxaa lagu magacaabaa Lwera, waana deegaan ay ku yalaan haro biyoodyo dhowr ah, dastuurka dalka Uganda ayaana mamnuucaya in lagu dhaqaaqo wax weliba oo halis gelin kara badqabka bulshada Ugandheeska ah.