HomeAll newsWaa Kuwee Saldhigyada Marti Gelinaya Weerarada Cagmarinta?

Waa Kuwee Saldhigyada Marti Gelinaya Weerarada Cagmarinta?

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro cagmarin ah oo culus ku qaaday saldhigyada ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka labaxay Jubbaland ee Buulo-Xaaji, Harboole iyo Miido oo dhamaantooda katirsan gobolka Jubbada Hoose.

Deegaannada Lagu dagaallamayo ayaa dhaca galbeedka magaalada Kismaayo, dhawaan ayaana waxaa guluf dagaal ku yimid ciidamo isugu jira Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland, oo ay gelbinayeen diyaaradaha dowladda Maraykanka.

Buulo Xaaji, waa deegaannada ugu muhiimsan ee hoostaga Kismaayo, qiyaastii 80km ayaana la sheegayaa iney u jirto magaala madaxda gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo, halka Harboole uu yahay deegaan dhaca wadada xiriirsa Kismaayo iyo Afmadow.

Saldhigyada marti gelinaya weerarada cagmarinta ee ay qaadeen askarta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab:

1- Buula-Xaaji oo 80 KM Koonfur-Galbeedka uga beegan Kismaayo
2- Harboole oo 90 KM Waqooyi-Galbeed uga beegan Kismaayo
3- Miido oo 95 KM Waqooyi-Galbeed uga beegan Kismaayo

Wixii kusoo kordha waan soo gudbin doonnaa Insha Allaah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular