War kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in ergeyga u qaabilsan arimaha geeska Afrika ninka lagu magacaabo Mike Hammer uu booqasho rasmi ah ku tagi doono dalalka Itoobiya iyo Jabuuti ee dhaca geeska Afrika.
Wuxuu dalka Itoobiya kaga qeybgeli doonaa masuulkan ameerikaanka ah kulanka labaad ee ururka Midowga Afrika uu ka yeelanayo colaadda dalka Itoobiya, loona adkeyn lahaa xabad joojinta ka jirta wuqooyiga dalkaas.
Maraykanka ayaa xukuumadda uu hogaamiyo Abey Axmed iyo kooxda Tigrey ee TPLF ku dhiirageliyay marar badan iney gaaraan heshiis buuxa oo xaga nabadda ah, dalkana uu kusoo noqdo sidiisii hore, laakiin weli ma muuqato ifafaalo ka tarjurmaya isku soo dhawaansho dhab ah, dhinacyada ayaana mid weliba heegan u ah waqtiga uu dagaal billaaban karo.
Marka laga tago arimaha Tigrey, wuxuu Mike Hammer la kulmi doonaa masuuliyiinta gobollada Amxaarada iyo Oromada, isagoo kala hadli doona sidii xal looga heli lahaa colaadda ka taagan labadaasi gobol, dalka Maryakanka ayuuna horey ugula soo kulmey xubno siyaasiyiin ah oo kasoo jeeda Oroma iyo Amhara.
Wuxuu sidoo kale dalka Jabuuti kaga qeybgeli doonaa ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan arimaha geeska Afrika kulan halkaasi uga qaboomi doona ururka IGAD, loogana hadlayo xaaladda amni ee mandiqadda.
Wasaaradda arimaha dibadda ee Maryakanka ma bixin tafaasiil dheeri ah oo la xiriira waxa uu salka ku hayo kulanka Jabuuti ee arimaha amniga, laakiin waxaa loo badinayaa in looga hadlayo walaaca la xiriira in Soomaaliya ay la wareegto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab haddii ay ka baxaan ciidanka shisheeye ee ATMIS.
Xilli ay dowladda Maraykanka u xusul duubeyso sidii xal waara looga gaari lahaa colaadda dalka Itoobiya, ayay si ka duwan waxay hurineysaa xaaladda Soomaaliya, iyadoo ciidamada ka socda wadamada Afrika ku taageereysa duullaankooda gardarada ah ee ay ku diidanyihiin in Soomaaliya laga dhiso dowlad Islaami ah oo nabad waarta ka dhalisa dalka.