Magaalada Hargeysa ee uu ka arriyimiyo maamulka Somaliland ayaa laga soo sheegayaa iney kusii kordhayaan dawooyinka iyo raashinka dhacay ee lasoo galiyo magaalada.
Dadka ku dhaqan Hargeysa oo arrinkaasi wax laga weydiiyay ayaa waxa ay muujiyeen sida ay ugu dhib qabaan arrintaan, iyagoona sheegay in dhinacyo shisheeye ay magaalada soo geliyeen dawooyin iyo raashiin dhacay oo aan laga ogoleyn dalalka caalamka.
Maamulka Soomaaliland ayaa indhaha ka daawanaya dhibaatada la xiriirta dawooyinka iyo raashiinka dhacay ee la keenayo suuqyada ganacsiga, taas bedelkeedana wuxuu ka qaataa lacago canshuuro ah.
Halkan ka dhagayso cabashada reer Hargeysa