Inkastoo adeega Internetku uu muhiim u yahay caalamka, loona adeegsado arimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha, hadana qaaradda Afrika ayaa la nool mowjado Internet jaris ah, oo inta badan ah kuwa lagu talogalay, kuna soo aada xilliyada ay socdaan doorashooyinka ama bananabaxyada.
Iyadoo marar badan hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay ay ku tilmaameen Internetku inuu muhiim u yahay howsha ay ka wadaan Afrika, hadana dowladaha qaaradan ayaa jarista Internetka u arka hub waxtar leh, marka la joogo qulqulatooyinka amni iyo kuwa siyaasadeed ee soo wajaha dalalkan.
Sida ku cad bayaanaat kasoo baxay hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, waxaa intii u dhexeysay 2016-ka illaa 2021 la diiwaan geliyay 931 xaaladood oo Internet jaris ah, kuwaasoo intooda badan laga diiwaan geliyay qaaradda Afrika iyo Aasia, waxayna saameyn ku yeesheen 52 xaaladood oo doorasho ah.
Bayaanaatka kasoo baxay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha maxalliga ah ee sheegta iney u ololeeyaan waxa loogu yeero Xuquuqul insaanka, ayaa cadeynaya in kala bar Internet jarista dhacday lixdii sano ee lasoo dhaafay la doonayay in lagu qamciyo bananabaxyo ay dhigayaan dad careysan oo kasoo horjeeda dowladda.
Mandiqadda galbeedka Afrika, waxaa dowladaha halkaas kajira ay mar weliba oo ay kacdoonno la xiriira doorashooyin ay dhacaan u deg-degaan jarista Internetka, dalka Sinigaal ayaana kamid ah dalalka tusaalooyinka loo soo qaadan karo, kaasoo laga jaray Internetka teleefannada, markii mucaaradku ay ka bananabaxeen dib u dhigista doorashooyinka.
Marka loo yimaado bariga Afrika, dalka Kenya ayay warbixinnadu sheegayaan inuu kamid noqday wadamada raacay tareenka qamcinta kacdoon wadayaasha, iyadoo loo marayo jaridda Internetka.
Dalkan oo tan iyo bishii lasoo dhaafay ay ka dhacayaan banaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda uu hogaamiyo Ruto, ayaa xukuumadda Nairoobi waxay marar badna jartay adeega Internetka, iyadoo dooneysa iney ku carqaladeyso xiriirka abaabulayaasha bananabayxada iyo isku imaatinnadooda.
Dowladaha deriska la ah Kenya, sida Tanzania, Uganda, Burundi iyo Rwanda ayaa waxaa saameysay Internet jarista ay sameysay xukuumadda Nairoobi, oo ay kasoo gaartay khasaare kala duwan, laakiin jaritaanka Internetku ma noqon mid wax ka bedela banaanbaxyadii Nairoobi, markii dad careysan ay xoog ku galeen aqalka baarlamaanka Kenya, ayayna dowladdu jartay guud ahaan Isgaarsiinta.
Murutaaniyah oo dhaca wuqooyi galbeed qaaradda Afrika, isaguna waa dal kamid ah kuwa marti geliyay jarista adeega Internetka, bishan socota ee todobaad ayayna xukuumadda Nuwaakshood waxay jartay khidmada Internetka, kahor inta aan lagu dhawaaqin natiijada doorashooyinka, oo uu kusoo baxay madaxweynaha xilka hayay, inkastoo mucaaradkiisu aaney weli aqoonsan natiijadan.
Banaanbaxyo waaweyn ayaa gilgilay magaalooyinka wadankaas, kuwaasoo ay ku naf waayeen ugu yaran 3 ruux, wasiirka arimaha Isgaarsiinta ee dalkan ayaana tilmaamay iney sharci tahay jarista Internetka, maadaama lagu ilaalinayo amniga dalka, sida uu warka u dhigay.
Shanti sano ee lasoo dhaafay, waxa dalka Murutaaniyah uu marti geliyay jarista adeegyada Internetka, inta badanna waxay kusoo aadeysay banaanbaxyo dalkaas ka dhacaya ama ku dhawaaqista natiijo doorasho.
June, 2019-ka, waxaa gebi ahaanba Internetka laga jaray dalka Murutaaniyah, kadib markii dalka ay ka dhaceen banaanbaxyo lagu diidanaa guusha Walad Al-Qazwaani.
Si lamid ah 2023-dii, adeega Internetka ayaa laga jaray dalka Murutaaniyah, kadib markii ay xabsiga ka baxsadeen 4 maxbuus oo la sheegay iney Salafiyiin ahaayeen, kadib markii ay dileen 2 kamid ah ciidamada ilaalada xabsiga.
Qaaradda Afrika ayay warbixintu sheegeysaa iney ku tilmaamantahay jarista Internetka, tareenkanna waxaa dhawaan ku biiray dalalka Malawi, Zambabwi, Kongo, Gabon, Niger iyo Chad, dalalkan ayaana jarista Internetka u adeegsanayay qamcinta bananabaxyada.
Sida uu tilmaamayo mowqica The East AFrikan, qaaradda Afrika waxya kaalinta labaad kaga jirtaa guud ahaan caalamka marka laga hadlayo ilaalinta Internetka iyo isticmaalkiisa, Aasiya ayaana kaalinta koowaad kaga horeysa sida ay warbixintu tilmaameyso.
Sanadkii 2019-ka oo keliya, waxaa jarista Internetka maciin baday 14 dowladood oo ku yaala qaaradda Afrika, kuwaasoo wajahayaay bananabaxyo ay dhigayeen dad careysan oo kasoo horjeeda dowladaha kajira wadankaas.
Jarista Internetka ee wadamada, waxay warbixintu sheegeysaa iney ka dhashaan khasaare kala duwan oo qaarkood maaliyadeed, sanadkii 2021 171 malyan oo qof ayaa awoodi waayay isticmaalka Internetka ee mandiqadda Saxaraha Afrika, waxaana ka dhashey khasaare maaliyadeed oo dhan 1.9 bilayn oo dollar, halka sanadkii 2023-da wadarta khasaaraha ka dhashey Internet jarista Afrika lagu qiyaasay khasaare dhan 1.7 bilyan oo dollar.
Dalka Itoobiya, oo isuguna qeyb ka ah wadamada sida joogtada ah u jara adeega Internetka, ayaa khasaaraha kasoo gaaray Internet jarista waxaa lagu qiyaasay sanadkii 2023-da khasaare dhan 1.5 bilyan oo dollar.
Dalka Kenya oo isaguna hadda bananabaxyo ka socdaan, waxaa saacadii Internetka la jaro lagu qiyaasyaaa khasaaraha maaliyadeeed 13 milyan oo doollarka Maraykanka, halka Murutaaniyah saacadiiba marka uu Internetku go’o la khasaarayo lacag dhan 1.3 milyan oo dollar.
Bankiga lacagta adduunka, ayaa tilmaamaya in Internet jaristu ay si guud saameyso qulqulka dhaqaale ee dunida, 2021-dii ayaana milliteriga Miyanmar oo adeega Interneta ka jaray Baarma waxaa lagu khasaarey lacag dhan 2.8 bilyan oo dollar.
Dhagayso Warbixin_Jaritaanka_Internetka iyo Qulqulatooyinka Afrika