Xaaladda dalka Kenya ayaa weli kacsan, muwaadiniinta Kenyaatiga ayaana wada dibadbaxyo ka dhan ah William Ruto, iyagoo aan ku qancin tallaabooyinkii dhawaan uu ku kala diray Ruto inta badan xukuumadda.
William Ruto ayaa hadda wuxuu si uu dejiyo carada shacabka, oo uu dareensanyahay iney hurinayaan siyaasiyiinta mucaaradka, wuxuu ku baaqay wadahadal.
Hadaba baaqa madaxweynaha Kenya ee ah wadahadallada, wuxuu su’aalo gelineya midnimada dalka Kenya.