HomeAll newsWax kabaro Cuntooyinkii uu Jeclaa Nabiga Salla-llaahu Caleyhi Wasallam. .

Wax kabaro Cuntooyinkii uu Jeclaa Nabiga Salla-llaahu Caleyhi Wasallam. [DHAGAYSO].

Saxaabada Ridwaanullaahi caleyhim manaaqibta ay lahaayeen waxaa kamid ah iney noo xafideen wax weliba oo la xiriria Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam, aduunyadana sooma marin qof la diiwaan geliyay goobtii uu fadhiistay, halkii uu ku tukaday, dhoolacadyentiisa iyo wax kasta oo kamid ah habdhaqankiisa, si lamid ah sida ay Saxaabadu u dawanineen Nabi Muxammad Salla-llaahu caleyhi wasallam.

Waxyaabaha ay Saxaabadu ka diiwaan geliyeen Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam waxaa kamid ah cuntooyinkii uu jeclaa Nabiga, cuntaduna waxay u arkayeen jiilkaas iney tahay mid loogu xoogeysto cibaadaadka Allaah, hadyiga Nabiga ee cuntadana wuxuu ahaa quutka uu maalinkaas cuno, isagoo Alle weydiistay in cuntada aalkiisa ka dhigo mid quut oo keliyo ah.

Ibnul Qayyim oo tilmaamaya hadyiga Nabiga ee cuntada wuxuu leeyahay “ Hab-dhaqanka Nabiga ee cuntada wuxuu ahaa inaanu celin raashiin loo keenay, dadka ku dhiban dalabka raashiin aan oolin, cuntadii wanaagsan ee loo keena wuu cuni jiray illaa inuu dhibsado mooye, sidaasina uga tago isagoo aan taxriimin, weligiina cunto muu ceebeynin Nabiga, haddii uu jeclaadu wuu cuni jiray, hadduu dhibsadana wuu ka tagi jiray, hadyigiisana waxaa kamid ahaa inuu cuno wixii fudud ee yaala”.

Caadada iyo dhaqanka Nabiga kama mid ahayn inuu ku gaabsado hal raashiin oo keliya, oo uu noloshiisa oo idil isaga oo keliya quuto, maxaa yeeley taasi waxay ka hor imaaneysaa Aadanaha iyo abuurkiisa, waxaana laga dhaxlaa cuduro sidaba ay dhakhaatiirtu sheegeen, sidaas darteed cuntada Nabiga Sall-llaahu caleyhi wasallam waxay ahayd mid kala duwan oo ah mida markaas la helayo.

Wuxuu lahaa dhabci saamaxaad badan, wuxuu la cunteyn jiray ehelkiisa iyo saxaabadiisa, waxaana dhici jirtay in faakihada ama waxyaabaha macmacaanka ah ee uu Rasuulka cunayo uu la qeybsan jiray dadka ay isku majliska fadhiyaan.

Hadaba, maxay ahaayeen cuntooyinkii uu jeclaa Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam, kuna cad Axaadiitha laga wariyay Saxaabada?

Casalka ama malabka ayaa kamid ahaa waxyaabaha uu Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam aadka u jeclaa, hooyo Caa’isha Radiyallaahu canhaa waxay leedahay “ Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam wuxuu jeclaa macmacaanka iyo malabka”.

Timirta ayaa sidoo kale kamid ahayd cuntooyinka uu jeclaa Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam, waxaana suubanaha uu yiri “ Caa’ishooy guri aaney timir oolin, waa guri ay dadkiisu gaajeysanyihiin”.

Timirta way uga duwaneyd cuntooyinka kale Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam, oo waxyba ahayd cuntada ugu badan ee guryihiisa laga cuno, hooyo Caa’isha waxay leedahay “ waxaa nasoo mari jirtay saddex bilood oo aan wax dab ah laga shidin guryaha Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam” Curwa ibnu Zubeyr ayaa ku yiri ” habaryar maxaad ku nooleydeen marka?” waxay tiri hooyo Caa’isha “ waxaan ku nooleyn labo mad-madow oo ah timirta iyo biyaha”.

Wuxuu kaloo Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam aad u jeclaa khalka, waxaana laga wariyay inuu yiri ” Iidaan waxaa ugu wanaagsan khalka”.

Saliida Zeytuunka ayaa kamid ahayd waxyaabaha uu Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam aadka u jeclaa, saliid ahaanna u isticmaali jiray, wuxuuna Nabiga Salla-llahau caleyhi wasallam dhihi jiray “ cuna Zeytuunka, kuna subkada, wa geed barakeysan’e’.

Khubuzka laga sameeyo qamadiga ayaa kamid ahaa cuntooyinka uu jeclaa Nabi Muxammad Salla-llaahu caleyhi wasallam. Hooyo Caa’isha waxay leedahay “ qoyska Nabi Muxammad Salla-llaahu caleyhi wasallam labo maalin oo isku xigta kama dhergin qamadi, illaa uu Rasuulka ka geeriyooday”.

Caanaha xoolaha ayaa iyaguna ahaa cuntooyinka ugu badan iyo sharaabka uu isticmaalo Nabi Muxammad Salla-llaahu caleyhi wasallam, safarkii Al-Israa wal Micraaj ayuuna Rasuulku doortay inuu cabo caanaha, markaas baa lagu yiri adiga iyo umadaadaba waxaad waafaqdeen fidhrada.

Cuntooyinka kale ee uu Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam jeclaa waxaa kamid ah farmaajada, Ibnu CUmar wuxuu leeyahay “ Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam oo jooga Tabuuk ayaa loo keeney farmaajo, markaas buu mindi dalbaday, bisinkana u qabtay, oo uu kala jaray”.

Hilibka ayaa sidoo kale kamid ah waxyaabaha uu Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam aadka u jeclaa, Axaadiith dhowr ah ayaana tilmaameysa Nabiga oo xoolo qashey, deriskana u qeybinaya,  isagoo loo keeney, wuxuuna inta badan jeclaa hilibka qeybta garabka.

Thariidka ama subagga oo khubuz ama hilib lagu daro ayaa kamid ah cuntooyinka uu Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam isticmaali jiray, Ibnu Cabbaas Radiyallaahu canhumaa wuxuu leeyahay “ cuntooyinka uu Nabiga ugu jeclaa waa thariidka khubuzka lagu daray”.

Cuntooyinka kale ee uu Rasuulku Salla-llaahu caleyhi wasallam cunay waxaa kamid ah hilibka bakeylaha, digaagadda, bocorka iyo kuwa kale.

Hadaba waxaa wanaagsan inaan dooqeenna xaga cuntada ah xitaa uga dayanno Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam, Anas ibnu Maalik Radiyallaahu canhu wuxuu leeyahay “ Rasuulka ayaa looga yeeray martiqaad, aniguna waan raacay, maraq uu bocor ku jiro ayaana naloo keenay, Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam ayaana cunay bocorka, aad ayuuna u cajabiyay” Anas wuxuu leeyahay “ tan iyo maalintaas waan jeclahay bocorka”.

Warbixin- Cuntooyinkii Uu Jeclaa Nabiga Salla-llaahu Caleyhi Wasallam

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular