HomeAll newsWeerar Lagu Qaaday Khadadka Tareennada ee Dalka Faransiiska.

Weerar Lagu Qaaday Khadadka Tareennada ee Dalka Faransiiska.

Shirkadda Tareennada ee dalka Faransiiska SNCF ayaa shaaca ka qaaday in khadadka ay maraan tareennada dheereeya ay la kulmeen weeraro saameyn leh oo dhaliyay iney baaqdaan safaro badan oo qorshuhu ahaa.

Weerarka ayaa dhacay maanta oo Jimco ah, waxaana dab la qabadsiiyay qaar kamid ah wadooyinka ugu muhiimsan ee ay maraan tareennada noocooda dheereeya, ee isaga kala gudba qaaradda Yurub.

Shirkadda ayaa sheegtay in dab la qabadsiiyay waqti isku mid ah khadadka tareennada dheereeya ay isticmaalaan, taasina ay saameysay wadooyinka isku xira Paris iyo qaar kamid ah gobollada dalka iyo si guud wadamada Yurub.

Shaqaalaha shirkadda Tareennada dalka Faransiiska ayaa ku sugan goobaha ay dabku ka kaceen, iyagoo wada qiimeyn ku aadan khasaaraha dhacay iyo sida ugu fudud ee loo xallin karo.

Qiimeyn horudhac ah ayaa tilmaameysa in khadadka qaar ee tareennada ay hagaajintooda qaadan doonto todobaad kaamil ah, maadaama waxyeellada dabka ay tahay mid xoogan, dabka ayaana ahaa mid waqti isku mid ah ka kacay dhowr khad.

Ugu yaraan 800 oo kun oo rakaab ayay saameyeen dabka la qabadsiiyay khadadka Tareennada, kuwaasoo ka baaqday safarkii ay ku aadi lahaayeen goobaha ay doonayaan, waxaana xubno badan oo maalmaha fasaxa ee todobaadka doonayay iney ehelladooda la qaataan ku qasbanyihiin iney dib u dhacaan.

Wasaaradda Gaadiidka ee dalka Faransiiska ayaa waxa dhacay ku tilmaamtay qorshe abaabulan, ujeedaduna ahayd in la baajiyo safarrada dadka Faransiiska ah.

Ra’iisul wasaaraha dalka Faransiiska ayaa khasaaraha gaaray khadadka Tareennadu maraan wuxuu ku tilmaamay iney tahay mid xoogan, laamah amnigana ay wadaan baaritaanno ay ku doonayaan iney kusoo qabtaan dadka ka dambeeyay weeraradan.

Kudhawaad 100 kun oo askari oo katirsan ciidamada ammaanka dalka Faransiiska ayaa heegan buuxa la geliyay, kuwaasoo howlgallo amni ka wada nawaaxiga goobaha uu dabku ka kacay, waxaana dowladda Faransiiska muujineysaa cabsi la xiriirta weeraro horleh.

Inkastoo weli aaney cadeyn cida rasmiga ah ee ka dambeysa weeraradan, hadana horaan majallada Inspire ee kasoo baxda AlQaacidada Jaziiratul Carab, waxay kula talisay muslimiinta ku nool wadamada reer galbeedka iney fuliyaan weeraro beegsada danaha dowladaha reer galbeedka, oo ay kamid tahay khadadka ay maraan Tareennada, kuwaasoo ay majalladu ku sheegaty iney sahlantahay beegsigooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular