Jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin ee ka jihaada wadamada saaxilka iyo saxaraha Afrika, ayaa sheegtay in ciidamadeedu weeraro khasaare dhaliyay ka fuliyeen wadanka Burkina FASO.
Fariisin ciidamada milliteriga Burkina Faso ku leeyihiin deegaan katirsan gobolka Dii-dooko ayay weerar culus ku qaadeen ciidamada Nusratul Islaam wal Muslimiin, waxaana halkaas lagu dilay ugu yaraan 16 askari.
Marka laga yimaado tirada ciidamada ee halkaas lagu dilay, waxay Nusratul Islaam wal Muslimiin sheegtay in dagaaka ay kusoo furatay 11 qori oo nooca AK-47 ah.
Weerar midkaas lamid ah, ayay ciidamada Nusratul Islaam wal Muslimiin ku qaadeen saldhig ku yaala duleedka magaalada Kanshaari ee gobolka Fadan-Gooma, halkaasna waxaa lagu dilay 4 askari, iyadoo lagu soo furtay 6 qori.
Mu’assasada Az-Zallaaqa oo ku hadasha afka Nusratul Islaam wal Muslimin ayaa baahisay bayaan wato sawirro, kaasoo lagu arki karo hubka ay ciidamada Mujaahidiinta soo furteen.
Nusratul Islaam wal Muslimiin ayaa wada howlgallo waaweyn oo ka dhacaya dalal dhowr ah oo ku yaala qaaradda Afrika, waxaana jamaacadan lagu tilmaamaa iney kamid tahay kuwa ugu awoodda badan faracyada Al-Qaacida.