Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaaday, fariisimo ay askarta dowladda fedaraalka ku leeyihiin degaannada Buundo Bilan iyo Buulo Bacaad ee magaalada Marka, Sh-hoose.
Sidoo kale waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa madaafiic lagu garaacay xero ay askarta maamulka la baxay Jubbaland ku leeyihiin degmada Afmadow ee gobalka Jubada-hoose.
Madaafiicda ayaa haleelay mid kmid ah gaAdiIdka ilaalada gaarka ah ee Axmed Madoobe, hogaamiyaha maamulka Jubbaand, duqeynta kadib ayuuna Axmed Madoobe si degdeg isaga cararay degmada Afmadow ee madaafiicda lagu garaacay.