Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay weerar ku qaadeen, xero ay askarta Kenya ku leeyihiin qeybo kamid ah gobalka Wajeer ee dhulka NFD.
Weerarka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay xerada ay askarta Kenya ku leeyihiin degmada Qorof-xaraar ee gobalka Wajeer oo kamid ah dhulalka Muslimiinta ee ku hoos jira gumeysiga Kenya.
Intii uu weerarku socday waxa ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dab qabadsiyeen xerada, waxaana lasoo sheegayaaa inuu jiro khasaare soo gaaaray askarta dowladda Kneya.
Geesta kale habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay weerar ku qaadeen, xero ay askarta dowladda fedaraalka ku leeyihiin qeybo kamid ah gobalka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.
Weerarka ayaa waxaa lala beegsaday halka la yiraahdo xero koowaad oo ay askarta dowladda fedaraalka ku leeyihiin degmada Luuq ee gobalka Gedo.