Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay, waxay qaadeen silsilado weeraro ah oo beegsaday ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Shisheeyaha ee ku sugan 4 gobol oo kamid ah koonfurta Soomaaliya.
Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerareen saldhiga ciidamada Itoobiya ee degmadaas, dhinacyada ayaana is dhaafsaday rasaas kulul.
Dhanka Baay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraray saldhig ay ciidamada maamulka labaxay Koonfur-galbeed ku leeyihiin xaafad kamid ah magaalada Baydhabo.
Dhinac Gedo, saldhig ay ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin xaafadda Barraxow ee degmada Baardheere ayay weerar culus ku qaadeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Halkan ka dhagayso howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya