HomeAll newsWiil Dhalinyaro ah Oo Lagu Dilay Magaalada Gaarisa ee dhulka NFD.

Wiil Dhalinyaro ah Oo Lagu Dilay Magaalada Gaarisa ee dhulka NFD. [DHAGAYSO]

Magaalada Gaarisa oo kamid ah dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya gumeysiga ku heysato, ayaa waxaa habeenkii xalay ka dhacay fal dil ah oo loo geystay wiil Soomaali ah.

Kooxo burcad ah ayaa dilay wiil lagu magacaabo Ibraahim Cabdi Maxmuud, iyagoo isku dayay iney ka dhacaan teleefanka gacanta ee uu watay.

Dilka ayaa si gaar ah kaga dhacay halka ay iska galaan xaafadaha Buulo-Muzuri iyo Hodan ee magaalada Gaarisa, dowladda Kenya ayaana ciidankeeda waxay laftooda kamid yihiin dadka dilalka bareerka ah u geysta shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dhulka NFD.

Marka ay sidan oo kale dilal loogu geysto dadka Soomaalida ah, kama jawaabaan booliiska cabashada u imaaneysa, lagamana dabogalo dadka geysta fal dembiyeedka, taasina waxay sababtay iney soo noq noqdaan dhibaatooyinka.

Halkan ka dhagaso faafaahin dheeraad ah oo la xiriirta dhacdadan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular